Jacayl aan lagula wadin
Dad waxaa u wacanoo
Uguna wanaag badan
Qofka waanadaadiyo
U dul qaata hadalkee
Adaan kuu warramaye
Weedhayda maqale
Wadnaagu yuu nicin
Naxariistu weligaa
Kama wareedhe ee
Waraabaha ku cunaya
Wehel kuuma noqoye
Qofka laba wajiilaha
Hala dhiganin wacade
Jacayl aan lagula wadin
Waqtigaada yuu lumin
Waayaha aduunkiyo
taariikhda ka weyn
waxa loo wakiishaa
nin waaya aragoo
Waji baaqan maayo
afka la waari meysee
waxyeela aan ku gaarin
ku walacaanaayoo
Waraabaha ku cunaya
Wehel kuuma noqoye
Qofka laba wajiilaha
Hala dhiganin wacade
Jacayl aan lagula wadin
Waqtigaada yuu lumin