aan is helno

Artist: Axmed Mooge Liibaan

Hubqaadkaaga wanaagsan
Hannaankaaga oo wacan
Ayaa i halabsanayee
Ila hadal adigaan
Ku hanweynahaye
Axmed Moogena waxa uu ugu jawaabayaa:
Sidii hillaac indhihii
Kugu haftoo
Hooban ku moodiyo
Hir doog lee
Ii hoggaansan adigaan
Kuu hanuunsanahee
Magool:
Aan heshiinno
Aan wada hayno
Ii hilow waan
Kuu heellanahee
Axmed:
Aan is helno
Aan is hananno
Ii hilow waan
Kuu heellanahee
Magool:
Sida hogol da’aysoo
Loo qabo harraad weyn
Ayaan kuu handanayaa
Ila hadal adigaan
Kuu hanweynahee
Axmed:
Heddaydii adigaa
U halis oo
Halbawlihii wadnahaad
I haysaaye
Ii hanuunsan adigaan
Kuu hanuunsanee
Magool:
Aan heshiinno
Aan wada hayno
Ii hilow waan
Kuu heellanahee
Axmed:
Aan is helno
Aan is hananno
Ii hilow waan
Kuu heellanahee
Magool:
Amba waan halcanayaa
Kuu hafeefanayee
Hilbahay damqanayee
Ila hadal adigaan
Kuu hanweynahee
Axmed:
Hawlihii kalgacalkaa
Ina haystoo
Hagran maayo wixii
Aan hidiyee
Ii hoggaansan adigaan
Kuu hanuunsanahee
Magool:
Aan heshiinno
Aan wada hayno
Ii hilow waan
Kuu heellanahee
Axmed:
Aan is helno
Aan is hananno
Ii hilow waan
Kuu heellanahee.