jacayl dhiig ma lagu qoray

Artist: Xaliimo Khaliif Magool

Jacayl dhiig ma lagu qoray?
weli dhuux ma loo shubay?
qofna saanta dhabarkiyo,
ma u dheegay feedhaha?
Dhabannada cad laga jaray,
hadalkii ma lagu dhigay?
Xinjir aan is dhalan rogin,
midabkeedu dhiin yahay,
laga dhuray halbowlaha,
weli dhiil ma lagu shubay?
Laba mays dhansiiyeen,
sida dhayda xoolaha,
dhagdhag maw wadaageen?
Haddaan laysu dhimanayn,
Nafta laysu dhiibayn,
Sow maaha dhalanteed?